Cilmi Iyo Neef Hawo Ciddi Kama Dheregtee. Dayaxii lagu hungoobay iyo mxaad ka ogtahay TA’AYTAN, Afmeerkii
Hoombaro News
June 20th, 2019
Cilmi Iyo Neef Hawo Ciddi Kama Dheregtee. Dayaxii lagu hungoobay iyo mxaad ka ogtahay TA’AYTAN, Afmeerkii

Dayaxa TA’AYTAN (Titan) waa Dayaxa Labaad ee ugu weyn dayaxyada Meerayaasha oo dhan,

wuxuu leegyahay Dayaxeena iyo badhkii ama 50% ayuu ka weynyahay dayaxeena, Ta’aytan waa Dayax ka duwan dayaxyada kale ee ay leeyihii gebi ahaan meerayaasha Cadceedeena ku wareega oo dhan, oo uu ku jiro dayaxeenu, waayo waa Dayax sidda Meere u samaysan oo waliba Ta’aytan waa Dayax  meeraheena Dhulka u sansaan EEG, waa Dayax leh Xuub Hawooyin ah oo ku dahaadhan ama (atmosphere), Ta’aytan wuxuu leeyahay Xiliyo iyo Cimilo isbedesha, Buuro, Banaan, Bad, Webiyo qulqula, Harooyin waaweyn, Dabaylo iyo Roob da’a. Ta’aytan waa meesha kale ee kaliya ee leh Dareere

Qulqulaaya marka laga reebo meeraheenan Dhulka ee leh dareeraha Qulqulaaya ee biyaha ah.

Hadaba markii ay heleen Culimada Saynisku Xogtii uu kasoo uruuriyey Dayax-gacmeedku Ta’aytan iyo sawiradii Xaqiijinaayey waxa lagu nisbeeyey Dayaxan mucjisada ah ayaa waxa gashay ummadii reyreyn iyo farxad ay ku farxeen Dayaxan Meeraheenan Dhulka oo kale ah, wayna u hanqal taageen iyaga oo u arkay Ta’aytan inuu noqon doono goob kale oo Hoy u noqon karta aadamaha oo ay ka yagleelan karaan nolol ay ugu noolaan karaan sidda Dhulka, waxaana bilaabmay dad badan oo hiyi kac ku yimi iyaga oo xaamaamada sii xidhxidhay siday ugu guuri lahaayeen halkaa siddoo kale wadamada dira Dayax-gacmeedada ayaa ku fikiray siddii ay u hindisi lahaayeen Dayax-gacmeedo xamuul iyo Dad qaadi kara oo u kala goosha meeraheena Dhulka iyo Ta’aytan siddoo kale goobaha ugu wacan in la dego qiimaynteeda ayaa judhiiba cirka isku shareeray taas oo uu Baloodhkii gaadhay lacag xaddi badan ah.

Markuu xaalku halkaa maraayey ayey qaar ka mid ah Culimada Saynisku soo jeediyee in Hubsiimo Hal lasiisto waayo Dhulkeena oo Cadceeda u jira 93 milyan oo mayl ayaa leh Dhul baraf ceegaago gu’ iyo jiilaan oo aan milmin qabow ka jira goobaha owgeed, siddaa awgeed ay haboontahay in layska hubsado Dareeraha Qulqulaya Ta’aytan inay biyo yihiin iyo inkale loona kuur galo cimilada dhabta ah ee ka jirta Ta’aytan maadaama oo uu yahay Dayax ku wareega Meere Cadceeda u jira Bilyan iyo badh mayl waa masaafo dheer hubaal, waxa laysku raacay in Dayax-gacmeed xaqiiqo raadis ah loo diro Saatan oo Ta’aytana ku dul dega oo si dhab ah oo hufan u soo baadha una soo sahamiya.

Taariikhdu marka ahay 15-10-1997 kii ayaa lakiciyey Dayax-gacmeed lagu magacaabo kassiini – Hoyganis (Cassini–Huygens), dayax-gacmeedkan oo ahaa labo is Xanbaar ah oo loogu magac-daray labo Culimada sayniska ka mid ahaan jiray, oo kala ahaaa Kassiini iyo Hoygan, Kassiini (Cassini) oo ahaa saynisyahankii ugu horeeyey ee diirada la heley dayaxyo dhor ah oo Saatan leeyahay ee darsay iyaga iyo Giraanta  guudka sare ee Saatan kaga saaban, isna Hoygan (Huygen) oo ahaa saynisyahankii ugu hor arkay Dayaxa TA’AYTAN (Titan) ee daraasadana ku sameeyey waxayna noolaayeen qarnigii 15aad iyo kii 16aad.

Dayax-gacmeedkan oo ay iska kaashadeen NASA, ESA iyo ASI oo kala ah laamaha hawada sare ama (Space Agency- ga)ee waqooyiga Ameerika, Yurub iyo Talyaaniga. Waxaana loogu talogalay in uu daraasad waafiya ku sameeyo  Kassiini Meeraha Saatan oo siddoo kalena uu Hoygan oo qalab shaybaadh ahi ku dul dego oo cago dhigto Ta’atan oo uu sahamiyo.

Sanado badan dabadeed 01-7-2004 tii ayuu Dayax-gacmeedkii gaadhay halka dayaxyadu kaga wareegaan Meeraha Saatan, taariikhdu marka ahayd 14-01-2005 kii ayuu siddii lagu talo galay uu u cago-dhigtay Hoygan Dayaxii Ta’aytan,

Durbadiiba sawiradii hor-dhaca ahaa ee uu soo tabiyey ayey Sanisyahanadii hagayey Dayax-gacmeedku ayey farxad iyo rayn-rayn kuraasidii ka daateen maxaa yeeley soo degii uu dagaayey ayuu daruuro soo dhex maray curanaaya Dhul ayey hawada sare ka daymoonaysay sawir qaadadu leh Buuro, laagag iyo harooyin gingiman wuxuuna cago dhigtay goob Doox ah oo markaa aad moodo mudo yar ka hor in biyo rogmadeen se aan biyo dul Socon markaa se ciidu ay sii qoyantay oo ay dhex yaalaana si teel-teel ah dhagaxaanta sibiibixa ah ee dooxyada ee daadku qoro, waa sawiro u muuqaal EEG kuwa lagu yaqaan meeraheena Dhulka, waxa isla Sara kacay sawaxan iyo dabaal-deg ay bilaabeen saynisyahankii iyo waa Dhul kale Se wax yar ka dib waxa soo dhacay Xogtii uu shaybaadhka Hoygan sameeyey in Jawiga Hawadu uu yahay xaraarad aad u qabow ahna (−179 °C, or −290 °F) runtii waa qabow saa’id ah, judhiiba sawaxankii Saynisyahanada ayaa istaagay iyo fantasiyihii iyo is fooladayntii goobta ka socday, Jawigii goobta ee farxada lahaa in qof walba halkiisa ku qalalo iyo in uu fadhiga boobo ayey noqotay, iyo in su’aalo si qaadan waa ku jirto laysku weydiiyo, waayo qabowga xadigaa qiyaas leeg maaha suurogal in biyo Dareere noqdaan waxay noqonayaan walax sidda dhagaxa adag baraf owgii iska daa wax kaloo hawada kuma duxi karaan oo dabeysha maraaci karaan jawiga xaraarada xadigaa u qabow, markaa ma suuroobi karto in Roob biyo ahi ka Da’o Ta’aytan ee waa maxay ayey isweydiiyeen toggogaa rogmanaaya, Harooyinkaa gigiman iyo Badaa guuxaysaa?!.

Saa iyaga oo saynisyahankii amakaagsan ayaa Xogtii waxay yihiin soo dhacday waa ba Miiseyn! (Methane), waxa ay la yaabeen saynisyahankii Miiseyn oo Dhulka ka ah Gaas hawo ah sideebey Dareere ugu noqotay Ta’aytan waa cajiib!

Miiseynku (methane) waa gaasta hawada ah ee shooladaha wax lagu karsado lagu isticmaalo waana walax dabka qabsata oo olosha, sikastaba ha ahaatee Hoygan wuxuu xaqiijiyey in Roobka ka da’a ee toggogaa roga ee harooyinka buuxiyey ee bada Ta’aytan jiifaa Ayman biyo ahayn ee ay Miiseyn (methane) yahay hawadiisuna tahay Naytarojiin (nitrogen) sooc ah oo uu haba yaraatee lahayn wax ogsajiin (oxygen) ah taas oo ah hawada uu neefta u qaato Aadamuhu.

Sikastaba ha ahaatee Runtii waxa Gaas iyo baadrood Dhulka kujira wax ka badan ayaa dul ceegaaga Ta’aytan oo in loo doonto Gaas maruun mooyee maaha meel nolol aadame ka suurtoobi karto si kastuu suurad iyo sansaanba u EEG yahay dhulkeena, siddaas suuna dadkii u hanqal taagey ee u hiyi kacayna uu kunoqotay TA’AYTAN DAYAXII LAGU HUNGOOBAY.

Cilmi iyo Neef hawo Ciddi kama dheregto

Fuad Fartaag

fartaagmuwaadin@gmail.com