MADAXWEYNAHA SOMALILAND IYO WEFTI UU HOGGAAMINAYO OO MADAXWEYNAHA JABUUTI KALA QAYB-GALAY AAS LOO SAMEEYEY MARXUUM SACAD CUMAR GEELLE
Hoombaro News
October 11th, 2019
MADAXWEYNAHA SOMALILAND IYO WEFTI UU HOGGAAMINAYO OO MADAXWEYNAHA JABUUTI KALA QAYB-GALAY AAS LOO SAMEEYEY MARXUUM SACAD CUMAR GEELLE

Jabuuti ( Hoombaronews.com)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo, ayaa maanta ka qayb-galay Aas qaran oo dalka Jabuuti loogu sameeyey maariyihii dekedda Jabuuti Marxuum Sacad Cumar Geelle oo toddobaadkan geeriyooday.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo weftiga uu hoggaaminayo oo isugu jira xildhibaanno uu hormood u yahay guddoomiyaha golaha wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Baashe Maxamed Faarax, wasiirro iyo ganacsato, ayaa subaxii hore ee saaka ka ambo baxay gegida caalamiga ah ee Cigaal International Airport, waxana gegida diyaaraha ee Jabuuti ku qaabilay madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo uu marxuumku walaalkii ahaa, iyaga oo ugu tacsiyadeeyey geerida ku timi.

Image may contain: 11 people, people standing
Madaxweynaha iyo xubnaha weftiga, ayaa sidoo kale ka qayb-galay Salaad Jinaaso ah oo marxuumka lagaga tukaday mid kamid ah masaajiddada magaalada Jabuuti, ka hor intii aanay madaxweynaha Jabuuti kala qayb-gelin Aas ballaadhan oo marxuum Sacad Cumar Geelle isla magaaladaas loogu sameeyey.

Weftiga ka socda Jamhuuriyadda Somaliland ee ka qayb-galay Aaska loo saameeyey maariyihii hore ee dekedda Jabuuti, Marxuum Sacad Cumar Geelle, ayaa qayb ka ahaa wufuud caalami ah oo ka kala socotay dalalka dunida oo jinaasada kala soo qayb-galay madaxweynaha dalka Jabuuti.

Image may contain: 1 person, sitting and suit
Madaxweynaha iyo weftigiisa, ayaa isla galabta kusoo guryo noqday caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeysa, kaddib markii ay soo dhammaysteen socdaalkooda ay kaga qayb-galeen Aaskaasi.

Image may contain: 5 people, people standing and suit
Image may contain: 22 people, crowd and outdoor
Image may contain: 11 people, people standing, crowd and outdoor
Www.Hoombaronews.com
I