Madaxweyne Biixi Si Xeeldheer Ayuu Uga Warramaa Dhibaatada Bulshada Haysata Waxna Kama Qabto……Warbixin
Hoombaro News
June 13th, 2019
Madaxweyne Biixi Si Xeeldheer Ayuu Uga Warramaa Dhibaatada Bulshada Haysata Waxna Kama Qabto……Warbixin

Madaxweyne Biixi Si Xeeldheer Ayuu Uga Warramaa Dhibaatada Bulshada Haysta Waxna Kama Qabto……Warbixin

Hargeysa(HMB):-Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa tan iyo intii uu xilka qabtay waxa la dareemayay inuu jeediyay khudbado badan kuwaas oo uu kaga hadlay dhibaatooyinka dalka ka jira, isla markaasna aanu ku darayn wax talaabo ama qorshe ah oo arintaas ay xukuumadiisu ku wajahayso.

Madaxweynaha oo si xogogaalnimo ah uga sheekeeya waxyaabo badan oo dalka dhibaatooyin ku haya oo uu qaarkood gaadhsiiyo aafo qaran ayaanu hadana soo bandhigin siyaasad xukuumadiisu ay ka qaadnayso ama ay ka qaadatay si dhibtaas wax looga qabto.

Tusaale ahaan madaxweyne Biixi waxa uu ka hadlay khudbadii salaada ciida isaga oo shacabka Somaliland ku dhiiri galiyay in qofkii qof dila meel looga soo wada jeesto lana fuliyo qisaasta oo alle sheegay inay nololi aadmiga ugu sugan tahay, laakiin madaxweynuhu ma sheegin wax talaabo ah oo uu ka qaadayo dadka xabsiyada ka buuxa iyaga oo dil lagu xukumay ee sugaaya fulintiisa oo kaliyaata, waxaanu khudbada uu jeedinayay bishii lixdaad /4/2019 maalintii ciida uu yidhi, ” Umad ahaan waxaan isku dardaaraynaa dilka oo inagu batay oo ninkii wax dilay aad moodo In sidii islaamku ina faray aan loogu wada gurmanayn, oo dad kale siyaabo kale iyo qarqarin iyo la dhuumasho, alle ayaa inoo sheegay oo yidhi qisaasta aadmiyow nolol ayaa idiinku jirta, waxaynu isku dardaaraynaa dhamaanteen qofkii qof islaam ah badheedh u dila in aynu gacan ku soo wada qabano oo waxii kitaabkaas alle ku soo dajiyay la mariyo.